Sanyare oo abaal-marin u ballan qaaday cidii soo disha Sheekh CALI DHEERE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jwaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo horey u tilmaamay in guddoomiye Sanyare uu jeediyey hadal gef weyn ku ah Diinta, isaga oona dagaalyahanada Al-Shabaab amray inay soo dilaan guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Sanyare oo hadalkaasi ka jawaabayey, kadib munaasabad baroor-diiq ah oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in Cali Dheere uu yahay nin dambi weyn ka galay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka dambeeyey weeraro & qaraxyo dad badan lagu dilay

“Mujrimkii weynaa ee Cali Dheere ayaa ii soo dhaartay, Cali Dheere geed hoostiisa ayuu fadhiyaa, Cali Dheere waxaan leeyahay qarixii Shaamow dadkii ku dhintay, ardaydii ku dhimatay Hargaha iyo Saamaha, 700 ee ku dhintay Zoobe, dadkii 200 ahaa ee ku dhintay Ex-Control wiilasha aad u khudbeyneyso waa kuwaas qaraabadooda,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu abaal-marin lacageed oo gaareysa illaa $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar) u ballan qaaday cidii soo disha afhayeenka kooxda Al-Shabaab.

“Labo malyuun oo qof ayuu afkooda ku sheegay in la dilay Cali Dheere, waxaa balan-qaadayaa cidii isaga soo disha in la siinayo lacag shan boqol oo kun dollar,” ayuu markale yiri guddoomiye Cabdiladiif.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso Gaalkacyo, waxaana kooxdan ay horey u dishay Axmed Muuse Nuur oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug, sidoo kalena la dhashay Cabdiladiif Muuse Sanyare.