Saraakiil AMISOM ka tirsan oo isaga baxay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – 58 ka mid ah saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa isaga baxay dalka kadib markii ay dhameysteen howlihii ay u hayeen AMISOM.

Saraakiishan ayaa waxa ay inta badan ka shaqeynayeen xarumaha ugu waaweyn ee AMISOM ku leedahay Soomaaliya.

Tigabu Yilma oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaliya, kana soo jeeda dalka Itoobiya, ayaa billado guddoonsiiyay saraakiisha AMISOM ka tirsan ee ka baxay Dalka.

Isaga oo la hadlayay saraakiisha ayuu yiri  “dadaalkiinna waxaa uu horseeday in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay nabad ku naalloodaan, Muqdisho kaliya maahee xitaa qeybo ka mid ah goboollada.”

Intii ay munaasibaddaasi socotay ayaa waxaa taliyaha lagu wareejiyay Koob ay ku guuleysteen saraakiishan oo qaaday tartan Kubadda Gacanta ah oo ay qaban qaabisay AMISOM.

Taliyayaasha AMISOM ayaa u mahadceliyay saraakiisha kala duwan ee ka baxay Soomaaliya, waxaana ay ugu hambalyeeyeen sida ay “ugu guuleysteen howshoodii Soomaaliya ee dhamaatay.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com