JARED KUSHNER oo dadka Falastiiniyiinta aflagaadeeyey

Washington (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee Aqalka Cad ee Mareykanka ahna wiilka qaba gabadha madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner ayaa aflgaadeeyey Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay inuu rumeysan yahay inay yihiin dad aan is-maamuli karin.

Kushner ayaa ah ninka hoggaaminaya qorshaha Trump ee loogu magac daray ‘Heshiiska qarniga’ kaasi oo magaalada barakaysan ee Qudus loogu gacan gelinayo Yahuudda.

Qorshahan, ayaa sida uu qoray wargeyska Washington Post, waxa uusan Falastiiniyiinta u ogolaaneyn inay yeeshaan dal buuxa oo madax banaan.

Kushner oo ah Yahuud, ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax dhib ah ku qaban haddii aysan Falastiiniyiinta ku kalsooneyn isaga oo yiri “Halkan uma joogo in la i aamino”

Falastiiniyiinta ayaa doonaya in qorshe kasta ay qeyb ka noqoto in Daanta Galbeed oo ay ku jirto Bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda mustaqbalka, halka Israel ay dooneyso inay sii haysto dhulalkii ay xoogga ku qabsatay.

Heshiiskan oo uu horkacayo wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel.

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaala rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com