Sanaag: Xiisad u dhexeysa Puntland iyo Somaliland iyo dagaal laga cabsi qabo

Ceerigaabo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in  Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland lag dareemayaa Gobalkaasi.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Somaliland ay  ciidamo aad  u fara badan  geysay Deegaanka  Yubbe oo u dhow  magaalada Ceerigaabo, iyadoona halkaasi ay saldhig military ka sameysteen.

Sidoo kale Maalin ka hor ayay aheyd markii  Maamulka Puntland ay ciidamo hor leh u dirtay degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga Gobolka Sanaag.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland iyo Somaliland ay ku wajahan yihiin Deegaanka Hadaaftimo oo aan wakhtigan midkoodna joogin waxaana laga cabsi qabaa in dagaal halkaasi uu ka dhaco.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay bilaabeen in ay ka barakacaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Ceerigaabo
caasimada@live.com