Odayaasha dhaqanka dalka oo Hormuud Foundation gudonsiiyey shahaado sharaf

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ahaa mid ay shirkadda Hormuud uga mahad celinayeen wax qabadka iyo taakuleynta ay siiso dadka dan yarta ah ee ku nool Gudaha Somalia.

Kulankan oo ka qabsoomay Muqdisho aya waxaa ka soo qeyb galay Haldoorka Odayaasha dhaqanka Somaliyeed, Culimaa’uddiinka, Qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Qeybaha kale ee bulshadda iyo Xubno matalayay Shirkadda Hormuud.

Kulankan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto Muqdisho ayaa Ujeedka ay odayaasha usoo qaban qaabiyeen waxay ku sheegeen inuu ahaa mid ay ku Bogaadinayaan waxqabadka iyo taakuleynta & ay la garab taagantahay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Gudihiisa.

Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeybgalayay Kulankan ayaa sheegay in xiligan marnaba aysan habooneyn in la xaqiro Adeegyada waxtarka leh ee ay shirkadda u heyso umada ku nool gudaha Dalka iyo Dibediisa.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo Munaasabadda furay ayaa Sheegay in ujaaddada loo dhigay gogoshani ay eheed in looga mahad celiyo shirkadda Hormuud wax qabadka aan la koobi karin ee ay u heyso umaddeeda.

Salaadiintii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood isku raacay in Deeqihii ugu dambeeyay oo ayt shirtkadda Hormuud ugu deeqday dadweynaha ku tabaaleysan Magaaladda Muqdisho iyo degaanada ku xeeran ay muujiyeen muhimadda ay u leedahay Bulshada, waxa ayna caddeeyeen in Hormuud ay tahay Shirkada Qaran, loona hanyahay in xil gaar ah la iska saaro ilaalinteeda.

Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa ka sakow Qabashada Kulankan Mahad celinta ah ka dib sheegtay in marnaba aan la ilaawi karin adegyada haqabtirka leh oo ay shirkadda hormuud siiso bulshada ku nool Dalka iyo Daafahiisa.

Ugu dambeyn Odoyaasha Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Shahaado sharaf lagu dhiirri gelinayo laguna garab istaagayo Shirkadda guddoonsiiyey Hey’adda Hormuud Foundation, waxaana u guddoomey Guddoomiyaha Hey’adda Mr. Cabdullaahi Nuur Cismaan.

Maamulaha Hay’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ugu Dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Odayaasha dhaqanka Soomaliyeed Qabashada Kulankan ay shirkadda uga mahad celinayaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan Adeegyada ay u hayaan Qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.