Saraakiil is-hortaagay dibad-bax Farmaajo lagu taageeri lahaa oo Muqdisho lagu xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa u yeeray taliyaha qeybta booliska gobalka Hiiraan ee maamulka HirShabelle Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahadalle kadib markii ay is hortaageen banaanbax lagu taageeri lahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Saraakiishaan ayaa qeyb ka ah ciidamada hoos yimaada HirShabelle waxayna muddo saddex maalmood ah ay baajiyeen banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booliska HirShabelle ayaa sheegay in banaanbaxaas ay u joojiyeen sababo amni iyo in aan lagu soo wargelin, waxaana ka dhashay dooda badan iyadoo taasi sababtay in la keeno Muqdisho lana xiro, sida aan xogta ku helnay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xarunta CID ee magaalada Muqdisho lagu xiray saraakiishaan halka warar kalane ay sheegayaan in lagu reesteeyay ama lagu xanibay xarunta taliska booliska Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan HirShabelle ayaa noo xaqiijiyay in saraakiishaan shalay diyaarad gaar ah looga soo qaaday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, lana keenay Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Amniga Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa 12-kii bishan ku dhawaaqay in inuu iska casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulkaas.

Shir jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtay Beledweyne ayuu ku sheegay inay timid kadib markii Taliyaha Booliiska Gobolka uu joojiyey banaabax lagu taageerayey Farmaajo oo uu Wasiir ku-xigeenka qeyb ka ahaa.