Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Jabuuti iyo qodobada maanta laga wada-hadlay

Jabuuti (Caasimadda Online) – Wada-hadalladii u dhexeeyey ergooyinka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta mar kale la isugu yimid maalintii saddexaad, ayaga oo ka socda magaalada Jabuuti.

Wada-hadallada ayaa waxa ay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhibac iyo dowladda Jabuuti.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Wada-hadallada guddiyada u socdo ayaa waxay yihiin kuwa albaabada u xiran isla markaasna ay qeyb ka yihiin diblomaasiyiin kasoo jeedo dalka Mareykanka.

Qodobada ugu muhiimsada oo ay labadaan guddi ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah:

1) – Iskaashiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland
2) – Fududeynta is dhaafsiga Ganacsiga
3) – Sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen amniga, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada.
4) – in la joojiyo dacaayadaha ay labada dhinac isku mariyaan saxaafadda, islamarkaana laga shaqeeyo xasilooni.
5) – in dib loogu noqdo heshiisyadii hore oo ay kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, lana fuliyo kuwooda ugu muhiimsan.

Qodobadan ayaa ah kuwa maanta laga hadlay, waxaana jira qodobo kale oo u baahan in laga wada-hadlo, kuwaas oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwa adag, hase yeeshee dhinacyada ayaa doortay inay soo hormariyaan qodobada ay fududahay in laga heshiiyo, si waqti dheer ah loo siiyo shirka.