Dawadii u horreysay oo loo helay cudurka Coronavirus

London (Caasimada Online) – Guud ahaan khuburada caafimaad ee dunida ayaa maskaxdooda mashquul ku aheyd sidii daawo loogu heli lahaa cudurka COVID-19, hase ahaatee qubaro ka tirsan jaamacadda Oxford ee London iyo dhaqaatiir kale ayaa shaaca ka qaaday war aad loogu farxo.

Kaniiniga Dexamethasone ayaa noqday daawada kaliya ee dili karta cudurka Coronavirus, dhimashadana ka badbaadin karta dadka qaba cudurka ee xaaladaha halista ah ku jira.

Madaxa kooxda baaritaankaan iyo tijaabada sameeyay, Prof. Peter Horby, ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo muhiim oo horay loo qaaday.

“Tani waa daawada kaliya ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay yareyn karto heerka dhimashada qofka xaaladiisa aadka ugu il daran tahay COVID-19, si sareysa ayeyna u yareyneysaa awooda cudurkaani, waana guul weyn oo la gaaray” ayuu yiri Prof. Peter Horby.

Isbitaalada NHS ee UK hadda waxay bilaabeen isticmaalkeeda, kadib markii lagu guuleystay tijaabo lagu sameeyay bukaano qabay COVID19 kuwaasi oo isugu jiray kuwo xaaladahooda halis ahaa iyo kuwo aan u baahneyn qalabka neefta in lagu xero.

2,000 qof oo lagu tijaabiyay daawadaan ayaa dadkii ku xernaa qalabka ventilators ee koomaha ku jiray ay ka caawisay in ay badbaadaan oo caafimaadaan.

Qiimaha kaniinigaan oo loo isticmaalo neefta ayaa aad u hooseeyo, wadanka UK 5 Pound ayaa lagu iibiyaa xermadii oo ka kooban 20 inax ama xabo.

Ali Muhiaddin Ali
Caasimada Online
London, UK