Beesha Caalamka oo war ka soo saartay wada-hadallada DF Somalia iyo Somaliland

Jabuuti (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka ee saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey wadahadalka u dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu martigeliyey madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geelleh oo uu sidoo kalana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

War saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in kulankaan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo kobcinta isfahamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa dhiiragelisay guddiyada farsamada oo ay magacaabeen labada dhinac, iyadoo ugu baaqday inay kulamadooda kasoo saaraan miro waxtar u leh dadkooda.

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso ballan qaadka ay sameeyeen labada hoggaamiye ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi ee ah in lasii wadi doono wadahalada.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 14 Bishaan June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo rajo gelineyso Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool Qaaradda Africa oo dhan.

Xubnaha Beesha Caalamka ee war murtiyeedkaan soo saaray ayaa kala ah:

African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, China, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States iyo United Nations.