Askari nin ganacsade ahaa Muqdisho ugu dilay xabad sigaar ah – Maxaa xigay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, isla markaana ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha degmada Shangaani ee gobolka Banaadi, r ayaa galabta nin ganacsade ahaa ku dilay degmada Xamar-Jajab, gaar ahaan isgoyska Ceel-gaabta oo u dhaw mid ka mid ah baraha Control ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Dad dhacdadaas joobjoog u ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in askarigu uu ninkaas u dilay xabad Sigaar ah, kadib markii uu ku amray inuu si bilaash ah ku siiyo Sigaarka.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cumar, waxuuna isgoyska ku iibin jiray bagaash u saarnaa gaari-gacan, waxayna dadkii yaqaanay noo sheegeen in sideed caruur ah oo uu dhalay uu ka biili jiray miiskaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in markii uu falkaasi dhalayey uu goobta marayey, isla markaana ay ilaaladiisu qabatay askariga dilka u geystay ninkaas ganacsadaha ahaa.

“Waxaan anigoo marayay wadada ceelgaabta ee aada Madaxtooyada dhanka degmada Xamarjajab ku soo aadnay xili fal dil ah uu geystay askari katirsan booliiska kaas oo qof shacab ah ku dilay agagaarka ceelgaabta” ayaa qoraalkiisa ku yiri guddoomiye Tuulax.

Tuulax ayaa intaas ku daray, “Waxay ilaaladaydu ku guulaysteen inay qabtaan gacan ku dhiiglihii dilka gaystay inta uusan goobta ka baxsan waxaana ku wareejinay saldhiga booliiska degmada Xamarjajab waxaana lamarin doonaa ciqaabta uu leeyahay baaritaanada kadib haduu Alle idmo.”