Saraakiil Itoobiyaan ah oo Kismaayo tagay, lagana diiday laba qodob oo Axmed Madoobe ay hordhigeen

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ka koobnaa lix sarkaal ayaa shalay tagay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee maamulka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wafdigan oo horey usoo maray magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Jubaland kala hadlay xiriirka xumaaday ee dowladda iyo doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhaceysa Kismaayo.

Sida aan xogta ku helnay, wafdiga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay oo laba qodob oo kala ah:

1 – In mas’uuliyiinta DF oo horey looga mamnuucay Kismaayo loo ogolaado inay yimaadaan, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ku lug yeelato hanaanka doorashada Jubaland.

2 – In dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Jubaland si musharaxiinta mucaaradka ah loo siiyo waqti dheeri ah oo ay isku diiwaan geliyaan, kadib markii uu dhammaaday waqtigii horey loo qabtay, ayaga oo diiday inay is-diiwaan geliyaan.

Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland, ayaa Caasimada Online u sheegay in wafdiga Itoobiya loo sheegay in labada qodobba ay yihiin kuwa ka baxsan gacanta madaxweynaha, oo uusan wax ka qaban karin

Waxaa lagu war-geliyey in go’aanka ka dhanka ah dowladda lagu qaatay kulankii golaha wasiirada, sidaas darteedna aysan ahayn arrin uu wax ka beddeli karo madaxweynaha, halka go’aanka la xiriira waqtiga doorashada loo sheegay inuu yahay mid u yaalla guddiga doorashada, oo haddii ay doonayaan ay kala hadli karaan.

Wafdiga Itoobiya ayaa isla shalay galab isaga tagay Kismaayo, kuna laabtay Addis-Ababa, waxaana la sheegay inay ahaayeen isku daygii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ay ku hor-istaagi lahayd doorashada Jubaland, taasi oo hadda u muuqata inaysan shaqeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com