Saraakiil sare oo Turki ah oo soo gaaray Muqdisho iyo kulan ka dhacay xarunta difaaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta soo gaaray saraakiil sare oo ka socda dowladda Turkiga.

Saraakiishan kala duwan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xarunta wasaaradda difaaca Soomaaliya ee taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigan kulan xasaasi ah kula qaatay xarunta taliska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ka socday dalka Turkiga ayaa isugu jiray talisyada ciidamada badda, dhulka iyo mas’uuliyiin ka socota wasaarada difaaca dalkaasi Turkiga, oo dhawaan heshiis difaac ay wada gaareen Soomaaliya.

Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha iyo qalabaynta ciidamada milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhawaan ay wada-galeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ahaa heshiis difaac iyo mid dhaqaale.

Sidoo kale shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka badda ee XDS  Admiral, Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale dhawaan dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska oo uu saxiixay madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.