Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray ku dhawaad 150 askari oo u dhashay dalka Ghana, kuwaas oo ka miq noqonaya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Ciidamadaan waxey ka hawlgali doonaan sida la sheegaay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo Booliska Soomaaliya ka saacidi doona sugidda amniga goobaha doorashooyinka.
Bayaan kasoo baxay AMISOM kadib markii ay ciidamada yimaadeen Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in loo gudbin doono magaalada Baydhaba, waxaana lagula dar-daarmay iney waajibaadkooda u gutaan sida ugu wanaagsan.
Imaatinka ciidamadaan ka qeyb noqonaya AMISOM wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika la sheegay iney gudaha Soomaaliya isaga baxayaan sanadka 2021, balse ilaa iyo hadda ma muuqato saan-saan lagu fulinayo qorshahaas.
Mr. Baba Saanid Adamu oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sarreysa ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa ciidamada kula dar-daarmay iney si xirfad leh u gutaan waajibaadka saaran.
Dalka Soomaaliya ayaa galaya marxalad doorasho, waxaana qorshaha ahaa in bishaan ay bilawdaan doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyadoo lagu mashquulsan yahay hadda dhisidda maamulka Hir-Shabelle.