28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Saraakiil Somali ah oo u dagaalamayey Daacish oo la toogtay + MAGACYADA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa shaacisay in magaalada Sinjar oo ku taala waqooyiga Ciraaq lagu dilay Jihaadiistayaal u dhashay dalka Somalia.
Dagaalyahaanadani ayaa waxaa halkaasi ku dilay Maleeshiyaad lagu magacaabo Peshmerg, waxaana la sheegayaa in Dagaalyahaanadasi ay kamid ahaayen Kooxda Daacish.

Dilka Dagaalyahaanadaani ayaa waxaa xaqiijiyay Sargaal lagu magacaabo Baxram Doski oo u waramaayay Warbaahinta dalkaasi, ayaa waxa uu sheegay in Dagaalyahaanadaasi ay dileen xili ay damacsanaayen fulinta weeraro culus.

Waxa uu Baxram Doski sheegay in dadka ay dileen ay kamid ahaayen Laba Dagaalyahaano oo uu sheegay inay u dhasheen dalka Somalia.

Magacyada muwaadiniintaan Soomaaliyeed waxaa uu ku sheegay sargaalkaan hadlay Faabiyaan Qaadir iyo Faarah Cusmaan waxaana uu intaa ku daray in meydadkooda ay ilaa iyo hadda hayan.

Baxram Doski waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo ay ku dhaawaceen dagaal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Sinjar iyo hareeraheeda.

Dhanka kale, Haddalka Baxram Doski, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Sodomeeyo dagaalyahaano Soomaali ah ay ku biirayaan Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalanta Dalalka Syria, Ciraaq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News