Saraakiisha Jabuuti ee Hiiraan oo xaqiijiyay arrin ay DF ka cabsatay oo Ethiopia ku saabsan (Aqri)

Beledweyne (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay war dhawaan Caasimada Online daabacday oo ku aadan in ciidamo Ethiopian ah oo AMISOM aan kamid aheyn ku sugan yihiin Soomaaliya.

C/raxmaan Cabdi Dhimbil, taliyaha qeybta afaraad ee AMISOM ayaa si cad kaga hadlay howlgalkii dhawaan lagu qabsaday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan iyo ka bixitaankii ciidamada Ethiopia ee deegaanka Halgan, isagoo sheegay in ciidamada Ethiopia aysan ka amar qaadan AMISOM oo laga amarsiiyo Ethiopia.

“Tagidii Halgan waxay aheyd fikir aan AMISOM aheyn, annaga waxaan laheyn kaliya qabashadii Jalalaqsi iyo deeganaada ku xeeran, laakiin ciidamada Ethiopia amar AMISOM ah kagama soo bixin Halgan oo waxaa laga soo amray Addis Ababa”ayuu yiri Dhimbil.

Dhanka kale taliye Dhimbil ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney jawaab cad ka bixiso arintan, maadaama ay ku wargeliyeen madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya.

“Dowlada Soomaaliya iyada ayaa looga baahan yahay iney la xisaabtamaan ciidamada aan AMISOM ka mid aheyn, sababtoo ah haddii aysan AMISOM caawineynin maxay dalka ka qabanayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Dhimbil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com