Xog: Xafiiska Ilka-Xanaf oo jawi mashquul galay iyo mas’uuliyiin ka dabatagay Mooshinka Xasan!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Maxkamadda sare ee dalka, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaaren Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo ka kooban labada gole.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiintaasi ay u badnaayen Xildhibaano ka tirsan Mooshin wadayaasha kuwaasi oo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka Xanaf ku adkeynaayay sida Mooshinkaasi uu u fulin lahaa sidii loogu tallo galay.

Xildhibaanada oo qeybqeyb u qaabilay Ceydiid Ilka Xanaf ayaa waxa ay qeyb waliba cabsi ka muujineysay in Guddomiyaha uu dhinac gaar ah la safto.

Sidoo kale, waxaa maanta Xafiiska Ceydiid Ilka Xanaf gaaray Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsanaa Villa Somalia kuwaasi oo arrinta Mooshinka wakiil uga ahaa Madaxweyne Xassan, inkastoo ay kulan socday ku dhawaad Hal saac la qaaten Guddoomiyaha hadana ma cadda waxa ay u sheegen, walow warar hoose ay tibaaxayaan in fariin ay uga sideen Madaxweyne Xassan.

Mooshinkan loo gudbiyay Maxkamada ayaa durbaba dhaliyay xiisad siyaasadeed oo si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay Madaxweynaha ka mid ah ku xadgudub ka dhan ah Dastuurka, xoriyada Muwaadinka iyo musuq maasuq hantida Qaranka ah.

Madaxtooyada Somalia ayaa ka walaacsan heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinka, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweyne Xassan uu kasoo horjeeday in Mooshinkaasi loo gudbiyo Maxkamada sare balse uu ku qasbanaa inuu raali ku noqdo.

Xiriirka ka dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare Ceydiid Ilka Xanaf ayaa mudooyinkaani danbe ahaa mid aad u liitay tan iyo markii awood xilka looga qaaday Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa la soo warinayaa inuusan ku calool fiyoobeyn in Mooshinkaasi la horgeeyo Ilka xanaf oo Siyaasad qalafsan kala dhexeysa Xassan iyo garabkiisa Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com