“Saddex meelood laba meel xildhibaannada BFS oo kasoo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili maalmo ka hor Gudoonka sare BF Somalia la horgeeyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinkaasi ka warbixiyay Mudane ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cismaan oo kamid ah Mudanayaasha ayaa sheegay in BF Somalia badi ay kawada siman yihiin taageerida Mooshinka laga gudbiyay Xassan Sheekh waxa uuna Tilmaamay in Mooshinkaasi micnihuusu yahay in meesha laga saaro Dowlada iminka jirta.

Waxa uu Mudanaha sheegay in tirada Xildhibaanada Mooshinka uu sii kordhay,waxa uuna muujiyay in ay sii kordheyso Xildhibaanada diidan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, sababo la xiriira fahan darida Madaxweyne Xassan dhanka Siyaasada.

Xildhibaanka waxa uu sidoo kale, sheegay in mooshinka uusan soo daahi doonin oo waqtigiisu yahay mid soo dhow gortii loo cod qaadi lahaa, waxa uuna meesha ka saaray in Madaxweyne Xassan uu taageero ka heysto dhanka Xildhibaanada.

Hadalkiisa ayuu ku muujiyay in Xildhibaanada Taageersan Xassan ay yihiin kuwa ugu yar, halka kuwa Mooshinka taageersana ay marba marka xigta sii kordhayaan.

Magaalada Muqdisho waxaa shirar gooni gooni ah uu uga socdaa Xildhibaanada mooshinka ka geeyay Madaxweyne Xassan si ay usii kordhin lahaayen tirada iminka saxiixday Mooshinka.

Dhanka Madaxweyne Xasan isna waxaa uu wada dadaalo uu ku qancinayo kuna dejinaayo Mudanayaasha Baarlamanka Somalia ee isaga kasoo hor jeeda.

Dhanka kale, Mooshinkaasi ayaa Jahwareer ku riday Xassan Sheekh iyo saaxiibadiisa, waxa ayna talo noqotay mid farahooda ka baxday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com