KASHIFAAD: Madaxweyne Xasan Sheekh oo 15 milyan oo dollar iyo 30% ku iibiyey hotel Curubo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa heshiis lacag badan uu ka faa’iiday la galay ganacsato Soomaaliyeed oo dib u dhisi doona hotelka caanka ah ee Curubo ee magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii tagay, ayaa wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee, waxa uu sheegay in hotelka ay dib u dhisi doonaan ganacsato Soomaali ah, ayna ku bixi doonto 60 milyan oo dollar.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay in madaxweynaha Soomaaliya uu qaatay 15 milyan oo dollar oo hormaris ah iyo 30% daqli kasta oo kasoo xarooda hotelka marka dib loo dayactiro, taa beddelkeedna uu ganacsatada ku wareejiyey hotelka.

Lacagtan oo ah mid aad u badan, ayaa haddana dadka arrimahan u dhuun daloola waxay sheegayaan in ka badan ay kasoo bixi doonto hotelka, marka la dayac tiro oo dib loo howl galiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa tan iyo markii xilka loo dhiibay, saxiixay heshiiso badan oo gacansato uu ugu wareejiyey hantida iyo guryaha dowladda, si ay ugu ganacsadaan, taa beddelkeedna waxa uu qaatay lacag badan.

Waxaa la rumeysan yahay in Xasan Sheekh uu yahay madaxweynihii ugu taajirsanaa ee soo mara Soomaaliya, isaga oo inta badan lacagta ka sameeyey iibinta hantida iyo dhulalka dowladeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com