Wasiiro ku biiray mooshinka ka dhanka ah Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya oo ay aqbaleen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya dadka mooshinkaasi ka danbeeya ee saxiixay oo qaarkood ay is shaaciyeen sida Xildhibaanada hormuudka u ah Cabdi Xoosh Jibriil iyo C/llaahi Goodax Barre.

Waxaa kale oo soo shaac baxay in xubin ka mid ah golaha wasiirada uu ka mid yahay saxiixayaasha mooshinka madaxweynaha, waana wasiir ku xigeenka Biyaha iyo Korontada Cabdixakiin Cige Guuleed iyadoo magaciisa lagu arkay xildhibaanada saxiixay mooshinka madaxweynaha.

Lama oga sababta wasiir ku xigeenka ku qasabtay inuu saxiixo mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha, laakiin warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xildhibaanada badan ay mooshikani saxiixeen waqti hore oo aan lagu wargelin xilliyadan danbe.

Waxaana laga yaabaa inuusan wasiirku ka warqabin iyo inuu ka mid yahay xubnaha ku kacsan madaxweynaha oo isagoo xukuumadda ka mida tallaabadan ku dhaqaaqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com