Saraakiishii ururka SNM oo go’aan ka soo saaray ‘safarka’ Farmaajo ee Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) –   Waxa maanta magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay qaar kamid ah Saraakiishii ururkii SNM iyo Siyaasiyiin reer Somaliland, kaasi oo u daarna safarka la sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku imanayo magaalada Hargeysa.

Saraakiishan ka tirsanaa Ururkii SNM ayaa si adag uga hadlay safarkaasi Farmaajo ee Hargeysa, iyagoona si cad u diiday imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen Saraakiishaasi in Madaxweyne Farmaajo uu ka meer-meerayo inuu qirto Xasuuqii dowladdi kacaankii u geystay gobolada Waqooyi, oo hadda loo yaqaano Somaliland, isla markaana uusan qiimeyn baaxada xasuuqaasi.

Saraakiishan ayaa sheegay inay waqti xaadirkan aysan u muuqan in wada-hadal lala furo dowladda federaalka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, ilaa inta ay ka garowsaneyso xasuuqaasi, waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Si toos ah baanu u diidanahay inuu yimaado Farmaajo, waana qalad cida soo qaadatay, hadduu yimaadana Hargeysa wuxuu kala kulmi doona wax aan fiicneyn” ayuu yiri Ibraahim Dhagaweyne oo kamid ahaa Saraakiishii ururkii SNM ee la hadlay warbaahinta.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ninka ku dhici waayey Xasuuqii dhacay ee dabar-goynta ahaa inuu qirto, Dadkiina u furin Maxkamad ee aanan qiimeyn baaxadii xasuuqaasi, ee weliba aan diyaarna u aheyn in laga wada-hadlo. Saddexdaasi qodob oo laga jawaabo mooye cid iman karta ama wada-hadal furi kartaa majirto”.

Ibraahim Dhagoweyne ayaa ugu dambeyntii sheegay inaysan marnaba suurta-gal aheyn xataa in uu Madaxweyne Farmaajo u yimaado Magaalada Hargeysa si looga wada-hadlo arrimaha labada dhinac.

Guddoomiyaha golaha guurtida ee Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa shalay sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku imanayo magaalada Hargeysa, iyaga oo ay wada socdaan Raysul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo isagu ku cadaadinaya xukuumada inay soo wada dhaweeyan.

Waxaana dhawaaqa Guddoomiyaha ee safarka Farmaajo siyaabo kala duwan uga hadlay Mas’uuliyiinta reer Somaliland, kuwaasi oo badankoodu ka horyimid in uu Farmaajo booqasho ku imaado Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in todobaadkan uu hortagi doono labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, isagoona ka jeedin doona khudbad sanadeedkii Dastuuriga aheyd, midaasi oo la filayo in uu si gaar ah ugu warbixiyo kulankii Farmaajo ee Addis-Ababa iyo safarka la sheegay inuu Hargeysa ku imanayo.