Sargaal ka tirsan Villa Somalia iyo Ruux la socday oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Madaxtooyada Somalia iyo nin kale oo la socday.

Sargaalkaani ayaa waxaa toogtay Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolada oo la socday Gaari nooca raaxada ah.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayay Maxamed Axmed Cali, halka ninka kale ee lala dilay magaciisa lagu soo koobay Boqol.

Ciidamada Amniga ayaa dilka kadib gacanta ku dhigay Maleeshiyaadka dilka geystay oo ahaa labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa.

Sidoo kale, labada nin ee loo qabtay dilka ayaa waxa ay ciidamada ku wareejiyeen Waaxda dambi baarista dowladda, sida ay sheegen saraakiisha Amniga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii bil ee ugu danbeysay kusoo badanaayay dilalka iyo Qaraxyada, inkastoo DFS ay sheegtay inay la imaan doonto qorsho lagu xaqiijinaayo amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com