Kuuriyada Waqooyi oo awood tusisay Mareykanka uguna digtay daandaansiga + Sawirro

Pyongyang (Caasimada Online) – Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa soo bandhigtay awoodeeda milateri xili Mareykanka uu ku hanjabay weerar ka dhan ah xukuumadda Pyongyang.

Dhoolatuskaan milateri oo Kuuriyada Waqooyi ay kusoo bandhigeen hubkii ugu danbeeyay ee casri ah oo ku siren gujisyada gantaalaha dheereeya xambaara ayaa wuxuu jawaab u ahaa hanjabaada Mareykanka u jeediyay dalkaasi.

Sidoo kale, waxaa lagu soo beegay dhsoolatuskaan xuska sanadguuradii dhalashadii Kim Il-sung oo ahaa aasaasihii Waqooyiga Kuuriya oo awoowe u ah hoggaamiyaha xiligaan ee Kim Jong-un.

Xukuumadda Pyongyang waxay mar kale uga digtay Mareykanka in uu joojiyo wax ay ugu yeertay daandaansiga iyo dhaqdhaqaaaqyada taxadar la’aanta ah , waxay ku bixisay digniin inay ku jawaabto duqayn halaag ah.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa maraakiib dagaal oo kuwii ugu danbeeyay ah u dirtay gacanka Kuuriyada, taasoo xaalada sii kicineyso, Dowladda SHiinaha ayaa dhankeeda digniin ka bixisay daandaansiga labada dal.