Xog-warran xasaasi ah: Faanka Farmaajo iyo fahanka bulshada

Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la doortey 08. Febraayo 2017kii, maantana waxaa laga joogaa 65 maalmood oo u dhiganta laba billood iyo 5 maalmood, haddaba maxaa ka la haysta Faanka Farmaajo iyo fahanka bulshada? Waa aragtida aan faallada ku falanqayndoono, ee i la falgala.

Faanka Farmaajo: madaxweynaha ayaa ballanqaadyo badan oo aan suurtagal ahayn ka dhawaajiyey, oo qaarkood been u ekaa, waxaana ka mid ahaa:

  1. Inuu dhisayo ciidanka qalabka sida
  2. Inuu la dagaallamayo musuqa
  3. Inuu noqonayo nabaddoon Soomaaliyeed
  4. Inuu la dagaallamayo kooxaha xagjirka ah
  5. Inuu ciddii qarax wax ku noqoto magdhaw nafeed iyo maal la siinayo
  6. Inuu ciddii qarax sheegta abaalmarin weyn siinayo
  7. Inuu bulshada ka ilaalinayo dadka fashilmey ee hore loo bartey
  8. Inuu siyaasadiisa ku saleynayo caddaalad iyo sinaan

Qodobbadan iyo kuwa badan oo kale waxay ahaayeen kuwa uu hore u ballanqaaday, oo aad u macaan, haddana aan waxba ka fulin, sidaa oy tahay, fahanka bulshada aan is dultaagno qodob qodob faanka sababta uu isugu beddelay balanqaadkii Madaxweyne Farmaajo.

Fahanka Bulshada

  1. Inuu dhisayo ciidanka oo ah hawl culus, si loo helo ciidan tayeysan, waxaa dhacday in ciidankii uu hammiga geliyey ilaa maanta aysan qaadan mushahar xitaa intii loollanka lagu jirey dowladdii hore, taasoo keentay iney gadoodaan oo ka baxaan furimihii dagaalka, magaalada caasimadda ahna xirxirtaan.
  2. Inuu musuqa la dagaallamayo; musuqmaasuqa ugu weyn waa in xilka loo dhiibo qof aan u qalmin gudanna karin waajibaadkiisa. Qof aan lahayn karti iyo aqoon uu ku maareeyo, waxay la mid tahay iyadoo la yiri baabuur wade ha ka noqdo nin aan haysan ruqsad wadennimo, sidoo kalena aanan baran una billowneyn inuu baabuur wado. Waana tan maanta ka taagan maamulka dowladda cusub, oo dhammaantood ku asteysan dad aan lahayn tayo iyo tamar ay wax ku taraan.
  3. Inuu noqonayo Nabaddoon Soomaaliyeed; arrintani waa mid beenoowday, waayo dadka uu soo duggaashaday dhammaantood waa dad uu ku xushay inay yihiin kuwa naftooda maahine aan dad iyo dal waxba ka gelin oo isaga u noqonaya madiidin iyo qawsaarro u adeega, kuwo taageersan oo u qaada heesaha: Noolow ma daale!

Waxaa xilal loo magacaabay dhammaan taliyayaasha ciidanka, waxaana kaaga muuqanaya, inuu u xagliyey laba beelood oo qura, halka saddex beelood aanu waxba iskaga tirinin.

  1. Inuu la dagaallamayo kooxaha xagjirka ah,: Dowladdu ilaa hadda ma qaadin tallaabo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah oo awoodeystey qaraxana ka dhigay maalinle iyo saacadle ah, tan oo noqotey waxyeello cusub oo soo korortey. Dadweynihiina waxaa durbaba galay dareen ah “Halkii caad laga sugayey ceeryaamaa ka timid! Oo halkii waxqabad laga sugayey waxaa ka yimid dib u dhac iyo dalanbaabi cusub.
  2. Wuxuu ballanqaaday in ciddii qarax wax ku noqota uu magdhaw nafeed iyo mid hantiyeedba isagu bixin doono, isagoo ku sababeeyey inuu dayacay ammaankooda isagana xil ka saaran yahay, haddaba arrintani ma dhicin waxayna kor u dhaafayaan muddada labada bilood iyo shanta maalmood ah, dadka   sida bareerka ah loo dilay iyo kuwa qaraxyada ku dhintey 300 iyo dheeraad, taasoo ka dhigan in maalin walba 5 qof dhimanaysay 60/300= 5. Haddaba is weydiintu waxay tahay aaway? Yaa maqlay? Yaa arkay meel magdghaw lagu bixiyey?

Magdhaw iska daaye wuxuu awoodi waayey isaga iyo ra’iisalwasaarihiisu inay ka tacsiyeeyaan oo cambaareeyaan falalka argagaxa leh, sidoo kale shalay waxay isaga iyo kooxihii isbedel doonka ahaa ka dhigan jireen abbaar in ay tilmaamaan dhaliilaha dowladda oo qaraxyadu ugu horreeyaan.

  1. Wuxuu ballanqaaday in ciddii qarax sheegta, uu siinayo abaalmarin, waxaan ognahay tiroba afar jeer in la sheegay qaraxyo badan oo dhallinyaro iyo dadweynaha qaar ka mid ah ku dhiiraadeen, ballanqaad iyo abaalmarin la fulliyo iska daaye dadkii ayaa qaxay oo cararay markii xitaa ay waayeen cid ammaankooda sugta waayo waxay halis geliyeen naftooda.
  2. Madaxweynaha oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay bulshada ku dhaqan Kenya ayuu ku ammaanay ganacsatada inay yihiin dad fiican oo ay xushaan dad wanaagsan, wuxuu sidoo kale sheegay in siyaasigana lagu xusho astaamo wanaagsan oo ammaano iyo hawlkarnimo leh, balse, arrinkaas waxaad mooddaa sida aynu marag ka nahay inuu madaxweynuhu sheegay wax uusan isagu fulin waana tan ka muuqata xulashada dadka uu xulanayo oo maqaam ahaan iyo milge ahaanba liita intooda badana ku caan baxay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin xil gudasho la’aan.
  3. Wuxuu ballanqaaday inuu siyaasadiisa ku saleynayo sinnaan iyo caddaalad, haddaba sinnaantu waa in dadku u siman yihiin maamulka, shaqada, xulashada iyo waxqabadka dowladda.

Madaxweynuhu ilaa hadda wuxuu u socdaaley goobo badan oo dalka dibaddiisa ah, lixdan iyo shantaa maalmood Madaxweynuhu ma booqan mana tegin gobollada dalka, sidoo kale ma jiro wax xiriir wanaagsan ah oo kala dhaxeeya bulshada caasimadda iyo gobollada. Waxaa jira guux fara badan oo lagu diiddan yahay xulasshadiisa, waxaana muuqata inuu dhegaha iyo indhaha ka fureystay.

Xilalka la magacaabayo waxaa ugu badan beesha uu ka dhashay iyo beesha degan caasimadda, taasoo labadoodaba uu ku xulanayo, sida ay ugu kala dhego nugul yihiin. Ma jiro ilaa hadda xil muuqda oo uu magacaabay gobollada waqooyi oo ka baxsan saami qaybsiga golaha wasiirrada. Ma jiro xil muuqda oo uu u magacaabay gobollada Koonfurgalbeed. Ma jiro xil muuqda oo u magacaabay beelaha shanaad, haddaba aaway caddaaladdi ma afka uun bay ahayd?.

Intan dhexdeenna ah, waxaa ka sii daran, guuxa, giriifka iyo garbinta ka jira, kana imandoonta dawldaha dariska ah. Ma lihi ha loo nuglaado, balse, mar walba, oo dalal dano xooggan naga la dhexeeyaan, marka waa in ay jirto aragti aan danaheennaa ku ilaashan karno anaga oon is MUTUXIN sida hadda jirta ama is MADIIDIN sidii hore u jirtay.

Sida aan wada ogsoonnahay adduunka waxaa lagu xisaabtamaa qofku wuxuu ballanqaaday. Dowladdii hore waxaa lagula xisaabtamayey lixdii tiir ee uu ballanqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, in kastoo uu afkiisa ka qirey in waxna u qabsoomey waxna ka qabyoobeen, haddana waxay ahayd eedda taagan ah ee ahl maxaad ka qabatay ballanqaadkaagii xaqna loogu lahaa?.

Gebogebo; arrinta qoraalkan igu dhalisay ayaa ah inaan shalay 12kii April maalintii ciidanka qaranka maqlay Madaxweynaha oo u gacan haadinaya kooxaha xagjirka ah, isagoo u ballanqaaday inuu siinayo waxbarasho, shaqo iyo hoyaadba! Haddaba miyaanu ballanqaadkan mudneyn ciidanka loo dabbaaldegayey ee aan intaas midna haysan? Saw hadal ii dheh iyo iga gee u eg maaha?.

Isku soo wada duub oo xukuumadda Farmaajo, ayaa bulshadu ku tilmaantey mid fashilkeedu soo hormaray, balse aan la ogeyn waxay sixi doonaan, fahanka bulshada ayaa u arkay Madaxweynaha iyo kooxdiisa Farmaajeysan, inay ku bahoobeen Faan iyo Booli Xoofto.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com