Sarkaal AMISOM ka tirsanaa oo Xabsi la dhigay

Kampala (Caasimada Online)-Taliye Hore oo ka tirsan oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee Howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa maxkamad lagu soo taagay duleedka magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Korneyl Eugine Ssebugwawo, ayaa maxkamada ku yaala duleedka magaalada Kampala waxay ku xukuntay 18 bilood oo xabsi ah oo u dhigma sanad iyo 6 bilood, sida qaaliga maxkamada uu ku dhawaaqay.

Ssebugwawo, ayaa ku eedeysan inuu leexsaday ama lunsaday shildaal loogu talo galay howlgalka AMISOM ee Soomaaaliya, waxaana uu kamid ahaa saraakiil badan oo u dhalatay dalka Uganda oo dambigaasi ku eedeysan.

Sarkaalkaan hore ee u dhashay Uganda ayaa waxaa uu kamid ahaa qeybta sagaalaad ee ka socota dowlada Uganda, waxaana muddo ku socday baaritaan ku aadan eedeymaha loo heysto.

Waxaa qaadiyaasha maxkamada ay sheegeen in shidaalka uu leexsaday taliyahaasi uu ku badashay dhaqaalo badan, taasi oo sumcad daro ku riday ciidamada iyo dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiska Uganda
Caasimada@live.com