Sawirro: Qabrigii Nebi Yusuf (NNKH) oo la gubay

Jerusalem (Caasimada Online) – Dhalinyaro reer Falastiin oo ka careysan dhibaatada uu Maamulka Yahuuddu ku haayo shacabka Falastiiniyiinta, ayaa waxay aroornimadii hore ee saakay dab qabadsiiyen qabriga Nabi Yuusuf CS, oo ku yaala Magaalada Nablus.

Muslimiinta iyo Yahuudda, ayaa waxay rumeysan yihiin in Nabi Yuusuf uu ku aasan yahay Magaalada Nablus, qabriga dabka la qabadsiiyayna uu yahay midkii uu ku aasnaa.

Dabka, ayaa waxyeelo xoogan gaarsiiyay dhismaha qabriga, inkastoo saacado ka dib ay gaadiidka gurmadka deg-degga ku guuleysteen inay dabkaasi baqtiiyan.

Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa cambaareeyay dabka la qabadsiiyay qabriga Nabi Yuusuf, wuxuuna shacabka reer Falastiin uu ugu baaqay inay ka shaqeeyan xasiloonida iyo kala dambeenta.

Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale si xoogan u cambaareeyay dabka la qabadsiiyay goobta barakaysan, wuxuuna wacad ku maray in Xukuumadiisu ay gacan adag ku wejihi doonto waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac oo bilaabatay 1-dii bishan, ayaa waxaa ku dhimatay 30 Falastiiniyiin iyo 7 Israeli ah.

Xiisadan, ayaa ka dhalatay markii Maamulka Israel uu Falastiiniyiinta u diiday inay ku cibaadeystan Masaajidka Al Aqsa, taasoo dhalisay carada shacabka reer Falastiin.

nebi 1nebi 2nebi 3nebi 4nebi 5nebi 6nebi 7