Raggii la socday diyaaraddii ku dhacday XAMAR oo xabsi la dhigay + DF Somalia oo aan ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Lixdii nin Masaarida ee la socotay diyaaraddii ku dhacday Carbiska ayaa lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay Taariq Bayonmay, Saalax Cabdi Saadaq, Axmed Baradaj, Maxamed Subxi, Calaa Raflax iyo Shaxata Shanoni, ayaa waxaa Khamiistii lagu xiray Xarunta Qaramada Midoobe Ee Magaalada Muqdisho, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in raggaasi loo haysto iyagoo hub u siday Dowladda Somaliya. Diyaaradan waxaa markii hore soo suuq gashay in cuntada la qaboojiyo ay u sido Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Baarayal ka tirsan Qaramada Midoobe, ayaa ku dhegan raggaasi, waxaana la sheegay in laga qaaday dhammaan basabooradii ay wateen, isla-markaana ay socdaan baaritaano la xiriira hubka ay keeneen Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Qaramada Midoobe Somaliya iyo Taliska Amisom, ayaan ka warqabin in diyaaradaasi ay hub u siday Dowladda Somaliya, waana taa midda keentay in Qaramada Midoobe baaritaano ku bilowdo Masaarida xiran.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe oo laba sano ka hor Somaliya ka qafiifiyay xayiraadda hubka ee saaran, ayaa waxaa Dowladda lagu adkeeyay in hub kastaq ay soo iibsanayso ku soo wargeliso Qaramada Midoobe, si loola socdo dhaq dhaqaaqyada hubka ay soo iibsanayso.

Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir oo la wareegay ilaalinta diyaaradda ku soo dhacday Deegaanka Carbiska Ee Degmada Afgooye, ayaa waxaa la soo sheegaya in hubka ay kala deggeen diyaaradaasi.

Tallaabada lagu xiray lixda nin ee dalka Masar u dhashay, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Magaalada Muqdisho ay soo gaareen koox ka socota Dowladda Masar, oo sida la sheegay Dowladda Somaliya ka caawinaysa waxa sababay in diyaaraddu soo dhacdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com