Villa Somalia oo laga soo sheegayo FADEEXAD tii ugu xumeyd abid (Ma aamini doontid arrintan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo qeybo kamid ah dalka ay wali yaallan isbaarooyin kala nooc ah, ayaa waxa ay isbaaro noocaasi ka duwan iminka taalla iridka hore ee laga gala Madaxtooyada Somalia.

Isbaaradaani oo waxbadan ka duwan kuwa yaalla daafaha Magaalada ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qaato lacago baad ah, taasi oo ay bixinayaan dadka aan ka shaqeyn Madaxtooyada balse doonaaya in gudaha ay kasoo dhameystaan danahooda gaarka ah.

Iridka hore ee laga galo madaxtooyada ayaa waxaa fariisin ku leh Ciidamo Militeri ah oo ka tirsan Villa Somalia kuwaasi oo lacagaha u qaata howl fududeyn.

Lacag bixinta ayaa waxa ay xiliyada qaar saameyn ku yeelataa shaqaalaha ka howlgala wasaaradaha hareeraha kaga yaal madaxtooyada kuwaasi oo lagu dhibo galitaanka goobahooda shaqo, balse is jiid-jiid kadib laga qaado lacago yar yar oo Ciidamadaasi ay ka dhigtaan sigaar iyo qaad.

Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada ayaa waxaa ku jira kuwo aan qaadan wax mushaar ah, waxa ayna mushaar la’aantaasi keentay in Ciidamadu ay furtaan dadka u shaqeeya Dowlada iyo kuwa aan u shaqeyn.

Dhacdadaani oo siyaabo kala duwan loo gaarsiiyay Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada ayaa iyagu wax ka qaban waayay kadib markii ay ku adkaatay la socodka howlahaasi.

Arrintaani ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa nidaam darida ka taagan Somalia iyo Ciidamada Dowlada ee aan qaadan Mushaarka oo maciin bida inay shaqaalaha ka qaatan dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com