Xog: Xasan oo qancinaya hogaanka ku kacsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa bilaabay qancinta hogaankii ugu sareeyay xildhibaanadii mooshinka waday ee ka tirsanaa 93 xildhibaan.

Xog aan heleyno ayaa sheegaysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh uu kulamo la qaatay xildhibaano kooban oo kamid ah xildhibaanadii mooshinka waday si uu kaga dhaadhiciyo iney xaalada dajiyaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in xildhibaano uu kamid yahay Goodax Barre lala Kulmay, kuwaasi oo loo sheegay iney muujiyaan tanaasulaad, maadaam Jawaari uu ku dhawaaqay in mooshinka lasoo idleeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha uu damacsan yahay madaxweynaha Soomaaliya tahay ka derida xukuumada Soomaaliya, islamarkaana lasoo dhiso xukuumad ay kasoo muuqanayaan xubnaha baarlamaanka ee ku kacsan madaxweynaha.

Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka ee mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa si weyn kaga horyimid go’aankii dhawaan uu shaaciyay Gudoomiye Jawaari oo xukuumada taageertay ee ahaa dhameynta Mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com