DHACDO xanuun leh oo aan horay loo maqal oo ka dhacday KISMAAYO (Dadka oo wada yaaban)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in mid kamid ah Ciidamada ilaalada u ah Axmed Madoobe uu halkaasi ka geystay dhacdo dadka aad uga careysiisay.

Askarigaasi oo magaciisa lagu soo koobay C/llahi ayaa boob u geystay mid kamid ah dadka deegaanka, kadib markii uu awood uga kaxeystay gabar uu ninkaasi shacabka ah qabay.

Ninka xaaskiisa laga xoogay ayaa waxaa lagu magacaaba Maxamed cabdi waxa uuna kamid yahay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo.

Maxamed cabdi, ayaa sheegay in Xaaskiisa Seynab Xassan oo u dhashay 2 carruur ah awood looga ka xeystay waxa uuna sheegay in askarigaasi uu Jeclaan jiray xaaskiisa balse dhowr jeer ay u sheegtay in la qabo diintuna aysan baneyneynin in ninkeeda ay ku dul shukaansato nin kale.

Sidoo kale, Maxamed cabdi waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Xaaskiisa ilaa iyo iminka xoog lagu heysto islamarkaana ninkaasi Askariga ah ay u leedahay uur 3 bilood ah, waxa uuna Tilmaamay in arrintaasi maamulka uu kuwar galiyay balse jawaab looga dhigay in xabsi uu muteysan doono haddii uu kusii dhiirado arrintaasi.

Dhacdadaani ayaa amakaak ku noqotay shacabka ku nool Magaalada Kismaayo, iyadoona Maamulka Jubbaland xalaal u arkaan arrintaasi bacdamaa ninkii qabay xaaskaasi loogu goodiyay xabsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com