Xog iyo Gorfeyn: General Gabre iyo Soomaaliya

Gabre wuxuu ahaa Genaralkii hogaaminayay ciidankii xabashida ee koonfurta somalia soo galay sanadkii 2006 dii. xiligaa ayay dadku maqleen magaciisa. wuxuu deganaa oo xafiis iyo xarunba u ahayd madaxtooyada muqdisho ee villa somaliya.

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mida shirkii sedex geesoodka ahaa ee villa somalia ka dhacay 2008 dii kaa oo u dhexeeyay Ganacsatada suuqa bakaaraha, DFKG, iyo general Gabre oo ahaa madaxii ciidama xabashida,shirkaa oo ku saabsanaa sidii culayska iyo ciidamada looga dul qaadi lahaa suuqa oo dhamaan wadooyinka soo gala ay xireen ama dageen ciidamada Xabashidu. waxaa la sheegay in ganacsatadu gabre gacanta ka galiyeen lacag adag oo boqolaal kun oo dollor ah si uu ciidimadiisa uga raro suuqa,shirkaana waxaa ka soo baxay in ciidamada laga dul qaado suuqa iyo in ganacsatadu samaystaan ciidamo u gaar ah oo ilaaliya amaanka suuqa.

February 2008dii waxay isku dhaceen madaxweynihii xiligaa cabdulahi yusuf axmed isagoo ka cadhaysnaa ka bixida ciidamada ee suuqa iyo dhowr jeer oo madaafiic ay ridayeen ciidamada xabashidu ku dhaceen qasriga madax tooyada,siduu ku waramay xiligaa muuqbaahiyaha eeraan ee press tv gabre ayaa ugu hanjabay madaxweynaha inuu dili doono. taasi waxay sababtay in madaxweynuhu dalbado ciidanka amisom in la keeno xarunta madax tooyada si ay amaanka ula wareegaan. ninkani wuxuu saaxiib dhow la ahaa duqii magaalada muqdisho maxamed cumar xabeeb maxamed dheere iyo madaxii hay’ada amaanka ee xiligaa maxamed warsame darwiish.

Markii ciidankii Ethopia ka baxeen wadanka sanadkii 2009 ayaa u dambaysay magaciisa oo warbaahinta laga maqlo iyo in lagu arko madalaha siyaasadeed ee somaliya. waxaa la sheegay markii ciidanku baxeen isagu inuu ka haray oo uu degenaa/degenyahay madaxtooyada,mudo ayuu ka qarsoonaa indhaha iyo dhagaha shacabka.

Gabre isagoo aan dhar ciidan xidhnayn ayuu mar kale kasoo mudh yiri siyaasada somaliya xiligii dowladii jabuuti ee shariifyadu madaxda ka ahaayeen.

Waxaa la arkay isagoo dhex fadhiya shir ka dhacay nairobi oo looga hadlayay qaabka iyo hanaanka loo marayo dhisida maamul gobaleedyada somalia.

wuxuu si cad oo waadixa dibada usoo wada baxay si fiicanna dadku muuqiisa u barteen wixii ka dambeeyey dhismaha dowladda hada ee hassan sheikh sanadkii 2012 ka.

wuxuu ka qayb galay dhisidii jubbaland, heshiiskii axmed madoobe iyo xukuumada xamar ee ka dhacay adis.

wuxuu kasoo muuqday shirkii villa somaliya ee looga hadlayay arimaha gobalada dhexe. waxaa la soo wariyay in gabre madaxtooyada ugu dhex hanjabay hogaamiyiha ahlu suna macalin maxamuud sheikh xasan waxa la arkayay sawir laga soo qaaday madasha kaasoo muujinayay isku dhaca gabre iyo macalinka iyo labo nin oo kala celinaysa kaa oo u muuqday mid handaad ah oo gabre ku hujuumayo macalinka, wajiga wadaadkana waxaa ka muuqatay caro iyo xanaaq.

Markale isagoo dhexdu u xirantahay bastooladina dabada ugu jirto ayuu kasoo dhex baxay heshiis bartamihii sanadkii 2014 ka ku dhex maray duleedka kismaayo axmed madoobe iyo bare hiiraale.
wuxuu ka mid ahaa wafdi ka qayb galay shirkii somalia loogu qabtay Denmark.

Dhawaana waxaa lagu arkay magaalada jowhar ee shebeelaha dhexe isaga iyo celi geedi(raisal wasaarihii hore ee somaliya) xili uu socday qaban qaada dhisida maamul gobeeldka shabeelle iyo hiiraan.

Ninkan waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay madaxweynaha aamusan ee somalia, siyaasiyiinta iyo dadka arimaha somalia la socdaa waxay ku sheegaan inuu yahay ninka madaxda shaqada keeya kana ruqseeya,nin aan isaga soo marina aanu xil qaban karin ama loo magacaabi karin.

Xildhibaano dhawaan ka hadlay barnaamijka dood wadaag ee kabaxa muuqbaahiyaha Universal waxay sheegeen in Gabre yahay madaxweynaha dhabta ah ee wadanku lee yahay. waxay ku celceliyeen in wadanku gumeesi dad ban oo adag ku jiro, madaxna ka yihiin gabre iyo key, waxay intaa ku dareen in qof kasta oo madax ahi uu taa ogyahay laakiin aysan jirin cid ka hadli karta arinkaa.

Shalay wuxuu kasoo muuqday baydhabo halkaa oo ay ka socoto soo xulida baarlamaanka maamulka koonfur galbeed isagoo halkaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha somalia

Waxaa shaashada ka soo muuqday hassan sheikh oo madaxa hoos u raaricinaya marka uu gacan qaadayo general gabre,taasoo dad badani ku tilmaameen mid liidasho ah kuna fasireen inay tahay mid muujinaysa maqaamka gabre ee somalia.

Wax yaabaha lays waydiinayo waxaa ka mida xilka ninkan gaabani ku magacaaban yahay iyo shaqdiisu waxa ay tahay? inta la og yahay ma jirto xil uu ugu maga caabanyahay dowladiisa, urur gobaleedka igad, amison iyo AU midna shirarka somalia iyo ururadaa dhex marana wuu ka qayb galaa! bal adba.

Waxaa arin lala yaabo ah oo dadka qaadan waa ku noqotay in ninka noocaa ah ee Ethopianka ah oo waliba general ciidan ah ee awooda baaxadaa leh wadanka ku dhex leh hadana aan lagaranayn cida uu ushaqeeyo iyo wuxuu ka shaqeeyo midna. waa arin muujinaysa in somalida aan waxba gacan ugu jirin, somaliyana gacanta ay ugu jirto madaxna ka yihiin kuna jirto dad iyo duulal aan la garanayn.

W/Q Faisal hussein
faisalyacni07@Gmail.com
facebook: Faisal hussein