Sawirro: Turkiga oo qaaday tallaab soo jiidatay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Militeriga cirka ee Dowlada Turkiga ayaa soo riday diyaarad nooca basaaska ee aan duuliyaha laheyn.

Diyaaradaasi oo xadgudub ku sameysay Hawada dalkaasi ayaa waxaa markii danbe ay Ciidamadu ku dhiiradeen inay soo ridaan, kadib baqdin la xiriirta amaanka dalkaasi.

Dowlada Turkiga ayaa ku doodeyso in Diyaaradaasi ay siisay ilaa 3 digniin si ay isaga baxdo hawada, balse markii ay ka dhaga adeegtay ay Turkidu go’aan satay inay soo rido.

Diyaarada ayaa kusoo dhacday Xadka kala beyra Turkiga iyo Syria.

Dowlada Turkey ayaa horey usoo ridday diyaarad laga lee yahay Syria oo kusoo xadgudubtay hawadeeda, ayada oo sidoo kalena ka ashtakootay laba xadgudub oo diyaaradaha Ruushka ay ku sameeyeen hawadeeda.

1

2

3

4