Xog: Ethiopia oo gaarsi ku heysa Max’ed Cabdi Kaliil iyo xildhibaan MAGAN oo si kulul u hadlay

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia iyo ciidamada Jubbaland ay dhaqdhaqaaq ka bilaabay bartamaha degmada oo ku baadi goobayaan gudoomiyihii Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay kadib markii shir uu goobjoog ka ahaa lagu qabtay degmada Dhoobleey, waloow hishiiska looga baxay sida uu sheegay islamarkaana Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabay  gobolka Gedo.

Xldhibaan Maxamuud Cali Magan, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe iyo ciidamada Ethiopia ay baadi goobayaan gudoomiyaha Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ay doonayaan iney xiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Arin Dhoolo tus ah ayay magaalada Garbahaareey ka sameeyeen oo ay ku muujinayaan in awood leeyihiin laguna cabsi geliyo dadka Kaliil taageersan, waxaa ciidamada wadaan baadi goobka gudoomiyaha iyagoo kaashanaya maamulka Axmed Madoobe ee Gedo” ayuu yiri xildhibaan Magan

Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in shacabka Garbahaareey ay dhankooda diyaar garow galeen oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha saraakiisha ciidamada Ethiopia ee Gedo ee lagu xirayo Maxamed Cabdi Kaliil.

Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa dib ugu laabtay degmada Garbahaareey kadib markii laga masaafuriyay degmadaasi isaga iyo siyaasiyiin kale oo kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com