Sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Boosaaso (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay sarkaal ka tirsan Ciidamada daraawiishta Puntland ku dileen Gudaha Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen iyadoo Saraakiisha ammaanka ayna weli ka hadlin dilka ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa kadib markii 8 bishan December koox hubeysan ay askar ku dileen gudaha magaalada Boosaaso, halka Sidoo kale shalay Dableey hubaysan oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish oo sida la sheegay meel luuq ah rasaas kaga soo furay sarkaal lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Cabbaa, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso

Magaalada boosaaso ayaa waxaa ku soo batay dilal qorsheysan oo fuliyaan kooxaha hubeysan, iyadoona ciidamada ammaanka ay baaritaano ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.