Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubaland oo lagu dilay magaalada Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay innoo xaqiijiyeeno ilo wareedyo.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray, Xasan Inyow ayaa ka dhacay guri uu ka daganaa gudaha magaaladaasi, waxaana goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeyey.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka filisay ay gudaha gurigiisa ugu gashay sarkaalkaasi, kadibna ay toogasho ay ku dishay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkan, waxaana ay shaacisay inay howl-galkaasi fuliyeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan kuwooda amniyaadka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee Jubbaland iyo kan degmada Baardheere oo ku aadan dhacdadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay xaafadda uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Gobolka Gedo oo ay weli ku xooogan tahay Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay kooxdaasi ka fuliso degmooyinka gobolkaasi.