Soomaaliya iyo Thailand oo wada-hadallo ka yeeshay saddex qodob + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa kulan gaar ah la qaatay danjiraha Thailand u qaabilsan Kenya, Sasirit Tangulrat, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dowladood.

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray, sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi cusub oo dhex-mara Soomaaliya iyo Thailand.

Sidoo kale waxay labada dhinac ada-hadalkooda ku soo qaadeen horumarinta dhanka ganacsiga ee labada dowladood, si loo sii hormariyo.

Tarsan iyo Tangulrat ayaa sidoo kale kulankooda ku soo qaaday saddex arrimood oo kala ah Kalluumeysiga, Caafimaadka yo Waxbarashada oo udub dhexaad u ah cilaaqaadka 2 dal.

Soomaaliya iyo Thailand ayaa muddooyinkii u dambeeyey yeelanayey kulamo xiriir ah oo uu ujeedkoodu yahay, sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dowladood.

Si kastaba Thailand oo dhacda Koofur Bari ee Qaaradda Aasiya, ayaa kamid ah dalalka haatan sameynaya horumar dhinaca wax-soo-saarka ah oo ay dooneyso inay ballaariso.

Kulanka uu Tarsan la yeeshay danjiraha Thailand ayaa qeyb ka ah kulamo uu ka wado Nairobi, isaga oo shalay la kulmay safiirka Koonfur Afrika oo uu kala hadlay xaaladda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi oo dhibaatooyin la kulmayey maalmihii lasoo dhaafay.