Mas’uul ka tirsan maamul DEGMO oo saddex qof ku toogtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka degmadaas uu saddex qof oo shaca ah ku dhaawacay toogasho..

Masuulka dadka shacabka ah dhaawacyada u geystay waxaa lagu magacaabaa Cabdi-waduud Sheekh Maxamed Macalow, waxuuna ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaawacyada soo gaaray qaar ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwo daran, waxayna rasaastu ka haleeshay qaybaha sare ee jirkooda, sida madaxa, qoorta iyo meelo kale oo halis ah.

Qof ku sugnaa goobta ayaa noo sheegay in sarkaalkaan oo ku hubeysnaa Bistoolad uu rasaas ku furay dadkaas oo hal goob ku sugnaa, waxaana yar faah-faahinta ilaa hadda laga helay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno Kaxda waxay sheegayaan Taliyaha booliska degmada Kaxda oo lagu magacaabo Macalin Faarax iyo ciidamada ammaanka ee degmadaas ay soo qabteen sarkaalkii geystay toogashada, kaas oo loo gudbiyey saldhigga booliska ee degmada Dharkeynley, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Haatan waxaa saldhigga booliska ee degmada Dharkenley ka socota su’aalo weydiinta masuulka toogashada geystay, waxaana weli la shaacin sababta ku kaliftay in dadkaas shacabka ah uu rasaas ku furo.