QM oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadkii laga soo masaafuriyey Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku shaacisay tirada dadkii ay Somaliland ka soo musaafuriyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada u dhaw dhaw.

Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay in tirada dadkaas ay gaareyso 7,250 qof, kuwaas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadanimada ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray maanta waxa uu ku sheegay in 24-qoys oo kale iyagana la dejiyey tuulooyin hoostaga magaalada Buuhoodle.

Sidoo kale warbixinta uu soo saaray xafiiska OCHA waxaa lagu sheegay in magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag laga soo barakiciyey 75-qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku kala nool magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhaba.

Dadkaan ayaa isaga soo baxay Ceerigaabo kadib markii mas’uuliyiinta degaanku ay u qabteen in dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay deegaanka isaga baxaan inta aan la gaarin 21-ka bishaan Oktobar, sida lagu qoray warbixnta OCHA.

Hay’addan gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobey waxay warbixintaan ku sheegtay in ilaa 400 qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka baxaan magaalada Ceerigaabo marka la gaaro 21-ka bishan October.

Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaanada Somaliland ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay kala lumeen dad ehelkooda ah iyo carruur, hantina ay kasoo tageen.

Dawladda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaaraysay tallaabooyinka ay Somaliland kusoo musaafurisay dadkaas, waxayna mas’uuliyiin ka hadashay talaabadaan ku tilmaameen mid ka baxsan bani’aadanimada. 

Hase yeeshee mas’uuliyiinta amniga ee Somaliland waxay difaaceen tallaabada lagu soo musaafuriyey dadkaan ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, waxayna ku doodeen in go’aankaas loo qaaday sababo dhinaca amniga ah.