Maxaa ka jira in ciidamada DF ay ka baxeen Ceeldheere?

Ceeldheere (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ka baxeen deegaankaas. 

Deegaanka Ceeldheere ayaa muhiim u ah qorshaha ay ciidamada dowladda iyo Galmudug dib ugu qabsanayaan magaalada Guriceel, oo 35 u jirta deegaanka, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo taabacsna kooxda Ahlu-Sunna Walajmaaca.

Guddoomiye Cabdullaahi, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho, ayaa yiri “Ciidamada ammaanka way joogaan Ceeldheere, waa beena buur wararka sheegaya in ay isaga baxeen deegaanka, waxa ay isku sii ballaariyeen deegaanno horleh.”

“Sidoo kale waa been abuur wararka sheegaya in khilaaf uu soo kala dhexgalay ciidamada ku sugan Ceeldheere sidaasna ay uga baxeen deegaanka. Ciidanku waa ay ka amar qaataan dowladda, ma jiri karo is maandhaaf soo kala dhexgeli karo maadaama hal hadaf ay ku socdaan,” ayuu yri Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa qorsheynaya inay weeraraan Guriceel, kadib markii odayaasha beesha degta Guriceel ay xalay sheegeen inay ku fashilmeen dhex-dhexaadin ay isku dayeen inay ku baajiyaan dagaal ka dhaca magaalada, ayaga oo eedeeyey hoggaamiyaha Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir.

Odayaasha ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu diiday inuu ka baxo degmada Guriceel si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada uu diyaarinayo maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan Sheekh Shaakir.

“Waxaa ka codsaneyn inuu magaalada ka baxo, meel ka baxsan uu tago anaguna aan markaas raadino in aan lagu soo duulin oo wada-hadal furmo intaas ayaa u sheegnay oo ka codsanay, arrinkaas isaga ah waqti badan ayuu qaata oo dood kulul ayaa na-dhexmartay oo wuxuu ku soo qatimay ka guuri maayo Guriceel,” ayuu yiri Oday kamid ah kuwa la hadlay warbaahinta.

Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug.