27.1 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo ka badbaadisay isku day dil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntladn ayaa maanta barqadii ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

Sarkaalkan ayaa lagu weeraray baabuur uu la socday waqooyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegay in uu ku dhaawacay weerarkaas oo ahaa miino nooca dhulka lagaliyo.

Weerarka kaddib ciidamada maamulka Puntland ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha ka agdhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Cabdi Warsame Ciiro ayaa loo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu daweynaayo.

Ma jirto koox sheegatay qaraxa miino ee lagu weeraray baabuurka uu la socday guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News