Sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay saaka kooxo hubeysan ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Sii Sii ee degmadaas ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Genaral Cabdullahi Xusen Warsame (Waran) wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo la socday Mooto Fekon, waxaana la sheegay in toogashada kadib ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal ay kooxda Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, iyaguna waxay culeyska soo saareen caasimadda dalka.