SARKAAL ka tirsanaa mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo MUQDISHO lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xubin ka tirsan xisbiga DAN-QARAN oo uu hogaamiyo Musharax Daahir Geelle lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay xisbiga Musharax Daahir Geelle ayaa waxaa lagu sheegay in dabley hubeysan ay dishay Aweys Cumar Salaad oo sidoo kale ka tirsanaa Saraakiisha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, islamarkaana kamid ahaa xubnaha xisbiga ee Muqdisho.

Musharax Daahir Geelle ayaa dhamaan qoyska iyo xubnaha xisbiga uga tacsiyadeeyay geerida marxuum Aweys Cumar Salaad allaha u naxariiste.

“Guddoomoyaha Xisbiga Dan-Qaran danjire Dahir Mohamud Gelle iyo xubnaha xisbiga waxay murugada la qabsanayaan una tacsiyeynayaan qoyska iyo xubnaha Xisbiga geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Aweys Sheekh Cumar Salaad oo ka tirsanaa xubnaha xisbiga Dan-Qaran ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada dilkaan, waxaana weerarada iyo dilalka noocan ah inta badan fuliya dagaal-yahanada Shabaab oo beegsi xoog leh ku haya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha dowladda.