Soomaaliya iyo Kenya oo dib usoo celiyey xiriirkooda kadib cadaadis ay Qatar saartay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Kenya, oo ay hore u jartay kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo ku qotomay faro-gelin ay dowladda federaalka ku eedeysay Kenya.

Sii-hayaha Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u aqriyay war-murtiyeed uu sheegay inay si wada-jir ah usoo saareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo lagu gaaray ilaalinta daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Al-Caddaala ayaa sheegay in war-murtiyeedka wada-jirka ah ee dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya lasoo saaray, kadib markii ay labada dhinac ku heshiiyeen ilaalinta danaha labada dal iyo ka fogaanshaha waxkasta oo keenaya faro-gelin gudaha ah.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyada oo la ilaalinayo danaha deris wadaaga ah waxay ku dhawaaqeysa in dib loo soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee la laheyd jamhuuriyada Kenya, dowladda jamhuuriyada Kenya waxay soo dhaweynaysa tallaabadaan lagu ilaalinayo danaha deris wadaaga ah ee labada dal,” ayuu yiri.

“Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyada oo lagu saleynayo mabaa’dida is-ixtiraamka ee madax-baananida iyo midnimada dhuleed, faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinaanta, wax-wada-qabsiga iyo nabad ku wada noolanshaha.”

Soo celinta xiriirkan ayaa waxaa ka shaqeeyay dowladda Qatar oo dhowaan ergey gaar ah, Dr. Mutlaq Al-Qahtani usoo dirtay magaalada Muqdisho, oo uu wada-hadal kula yeeshay madaxda dowladda federaalka, isaga oo maanta-na Nairobi kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale, labo maalin ka hor unbay aheyd markii uu Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani uu khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.