Sarkaal kale oo ka tirsan DF oo musuq-maasuq loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in la xiray ilaa sarkaal ka tirsan wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in sarkaalka uu xabsiga ku jiro, waxaana loo heystaa eedeymo la xariira musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Sarkaalka la xiray ayaa ka tirsan xafiiska maaliyadda ee wasaaradda, waxaana la sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku socdaan rag kale oo qaarkood ay haayaan xilal sare oo wasarrado kale ka tirsan.

Kiiska ayaa waxaa uu xiriir la leeyahay kan wasaaradda caafimaadka oo dad badan horey loogu xiray.

Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya waxay isla dagan yihiin wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaarado kale waxayna noqoneysaa wasaaraddii 2-aad oo muddo 10 cesho ka yar dad looga xiro musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore sidaan oo kale u xirtay saraakiil ka tirsan wasaarado dhowr ah kuwaas oo qaarkood ay xiran yihiin.

Waxaa dhowaan dacwad lagu soo oogay illaa 20 sarkaal oo ka tirsan dowladda oo lala xiriiriyey musuq-maasuq ka dhacay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.