Weerar lagu qaaday guriga duuliye Fu’aad iyo wararkii ugu dambeeyay ee Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan ciidamada Sirdoonka Jabuuti ayaa xalay weerar xoogan ku qaaday guriga uu magaalada Jabuuti ka dagan yahay duuliyaha xiran ee Fu’aad Yuusuf Cali, sida ay xaqiijisay xaaska duuliyuhu.

Ciidamada ayaa si xoog ah ku galay guriga, iyada oo ilaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay ka baarayeen gudaha gurigaasi oo ay ku sugnaayeen Xaaska iyo caruurta duuliye Fu’aad oo maxbuus u ah dowladda Jabuuti.

Baaritaanka ay ciidamadu xalay sida xooga ah uga sameeyen guriga duuliyaha ayaa sababay bur-bur iyo jidh-dil ay ciidamadu u geysteen qaar kamid ah xubnaha qoyska, sida laga dheehan karayey muuqaal ay Xaaska duuliyuhu kasoo duubtay guriga.

Samiira Jaamac Cabdi oo ah xaaska duuliye Fu’aad ayaa soo duubtay muuqaalkaasi, iyada oo uu si weyn ugu baahay baraha bulshada, midaasi oo sare u sii qaadeysa xiisada ka taagan xariga Fu’aad.

Samiira ayaa muuqaalkaasi gudihiisa ku sheegtay in ciidamadu ay soo weerareen gurigeeda, kuwaasi oo gebi ahaanba bur-buriyay agabka ay isticmaalaan qoyskeeda.

Xaaska duuliyaha ayaa baaqyo kala duwan u dirtay bulshada, xili ay sheegtay inay dhibaato xoogan kala kulmayaan qoyskeedu dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xiisada ka dhalatay xariga duuliye Fu’aad ayaa u muuqata mid kusii fideysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo dowladda uu hogaamiyo Geelle ay isku dayeyso inay awood ku dajiso kacdoonka shacabku ay kaga gadoodeen falka lagula kacay duuliyaha.