CC SHAAKIR oo shaaca ka qaaday in buuqii Farmaajo ee BF looga aargudanayey arrin maalmo kahor dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay sida uu u arko buuqii ka dhacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo uu madaxweyne Farmaajo furayey kala fadhigii 7-aad ee labada Aqal.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyey Telefishinka Dalsan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ka faa’ideysan waayo tallooyinkii ay u jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana uu ka hadli waayey xaaladda dhabta ah ee dalka ku jiro.

Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu kaliya diiradda saaro faan iyo inuu sheegto waxqabad aan loo jeedin, sida uu hadalka u dhigay, halkii laga rabay inuu ka run sheego xaaladda uu dalka ku jiro.

“Madaxweynaha waxay aheyd inuu ku hadlo luuqad dib u heshiisiineed oo uu isku dayo in dadka ay kala irdheeyeen ugu baaqo isku soo noqosho iyo wadahadal,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mar wax laga waydiiyey Buuqii iyo foodadii ka dhacday kulankii baarlamaanka xilli uu khudbad jeedinayey Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in isaga indhihiisa arkayeen Labo senator oo ku buuqay khudbadii Madaxweynaha, kuwaasoo maalmo ka hor laga celiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu arrintaas ku tilmaamay inay aheyd fursadda kaliya ee madaxweyne Farmaajo looga aargudan karay xilli ay xaadir ahaayeen dhammaan xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Tallaabo qaldan ilama ahayn wixii baarlamaanka ka dhacay iyo buuqii Xildhibaannada waxaa la rabaa Madaxweynuhu inuu dareemo xanuunka ay leedahay markuu isagu Dastuurka ku tumanayey buuq yar buu u adkeysan waayeyee, Siyaasiyiin buu amray in guryahooda lagu weeeraro, Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey buu isbaaro garoonka u dhigtay, Senatarada ku buuqay buu garoonka ka celiyey iyagoo Janaaso u socda”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo intaa ku daray inuu la yaaban yahay dulqaad la’aanta Madaxweynaha.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in markii xilka laga tuurayey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari ay jireen Xildhibaano buuqayey iyo kuwa Firimbi yeerinayey.

”Jawaari markii la ridayey xildhibaanno iyo wasiirro ayaa buuqayey oo Firimbi yeerinayey taas lama yaabbani ee dulqaad la’aanta Madaxweynaha iyo waxa uu ku kacayo ayaa meel iskula kay gali weysan,” ayuu yiri.