Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo maanta dil ka gaystay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya u geystay wade mooto Bajaajle ahaa, xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday uu rasaas ku furay darawalka mootada, kadibna dhaawac soo gaaray uu u dhintay markii dambe.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta dhabta ee ka dambeysay dilka loo geystay marxuumka, balse wararka qaar ayaa sheegay in muran uu soo kala dhex-galay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, inkastoo uu cararay askarigii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan iyo nawaaxigeeda ayaa dilal u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka nooca Bajaajka ee ka shaqeeya gudaha caasimada.