Sarkaalkii u fududeeyay Shabaab weerarkii garoonka Muqdisho oo la xukumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo 36 sano jir ah ayaa ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna ka soo mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, illaa dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isaga oo darajada ciidanka ka gaaray Laba Xidigle.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sarkaalkan uu 2018 kii waayey xubinimadiisii ciidanka, kadib markii uu ku haray dib u habeynta Electronic-ga ahayd ee dowladdii Farmaajo.

Kadib wixii ka dambeeyay markaas ayey maxkamaddu sheegtay inuu xoojiyay la shaqeynta Al-Shabaab, isla-markaana uu u qaabilsanaa gudbinta gawaarida qaraxyada ah xilliyada ay weerarada ka geysanayaan goobaha bartilmaameedka u ah ee ku yaallo Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamed Cabdulle Nuur Abkow uu 23 kii March ee sanadkan ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay Aadan Cadde, kaas oo uu ku naf waayay Allaha u naxariistee  Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka mid ahaa askartii soo afjartay weerarka, waxaana sidoo kale uu khasaare soo gaaray dad kale oo joogay goobta marka ay isku fara saareen ragga weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Haramcad ee Booliska.

Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa waxaa la tusay muuqaalka Camerooyinka amniga Ee CCTV, isaga oo gudbinayay xubnihii Al-Shabaab ee weeraray garoonka.

Sidoo kale September 19 keedii 2019-kii ayaa lagu helay in uu qarax dhex geeyay Ururka 38-ad ee degan xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir.

Maxkamadeynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) ayaa la soo gabagabeeyay sideedii bishan, ayada oo ugu dambeyn maantana maxamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.