S/Guuto Cali Baadiye oo ku geeriyooday Addis Ababa

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa Cali Baadiye ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xanuunsanaa, isaga oo caafimaad ahaan loogu qaaday dalkaasi, gaar ahaan Addis Ababa.

Geerida ku timid Cali Baadiye ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.

Marxuumka oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Puntland ayaa xilligii xukuumaddii Cadde Muuse soo noqday taliyaha ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu ka tirsanaa saraakiishii milatariga ee dowladdii kacaanka, inkastoo markii dambe uu ku biiray jabhadihii ka soo horjeestay Maxamed Siyaad Barre.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyn ka tacsiyeeyey geerida ku timid Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa Cali Baadiye, iyaga oo Alle uga bariyey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.