Bankiga Adduunka oo lacag badan ugu deeqay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga adduunka oo ka mid ah bangiyada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya ayaa markale lacag fara badan u ansixiyey dowladda federaalka, si wax looga qabto dhibaatooyinka adag ee xilligan ka jira dalka.

Lacagtaan oo bankiga adduunka ugu deeqay Soomaaliya oo gaareysa $55 Milyan ayaa waxaa la sheegay in lagu kaabi doono miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka.

Ujeedada ayaa ah sidii lacagtaasi wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee xilligan ka jira ee Soomaaliya ee uu sababay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku kasbadeen maamul wanaag, isaga oo u mahaceliyey bangiga adduunka.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayaa yiri wasiirka maaliyadda dowladda federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga fakiro sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha, iyadoo la kaashanayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

“Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono” ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Beyle.

Soomaaliya oo xilligan ku guda jirta marxalad kala guur ah, una diyaar garoobeyso doorashooyin ayaa wajaheysa caqabado badan, sida dhaqaale yari uu sababay xanuunka dunida aafeeyey Covid-19 oo si gaar ah u saameeyey dhammaana ilihii dhaqaalaha dalka oo uu ugu horreeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.