Ganacsatada Bakaaraha oo qaati taagan kadib markii ay suuqa kusoo kordheen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashooyinka ay qabaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, cabashadaas oo ku saabsan dhac si joogto ah looga geesto gudaha Suuqa.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhib badan ku qabaan dhaca oo si weyn ugu sii fidaya suuqa Bakaaraha dhamaantiis.

“Qeybta daawada ayaa ku suganahay waxaan dhib ku qabnaa rag ku libis dareeska ciidanka oo dhac noo geesta,” ayuu yiri mid ka mid ah goob joogayaasha suuqa.

Ganacsata suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in kaliya suuq qeybya daawada ka jirin dhibaatada waxeyna hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in si deg deg ah wax looga qabto.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa aad ugu soo badanaya cabashada dadweynaha taas oo ku saabsan dhaca iyo dilalka oo sii kordhaya.

Habeenii Axadda, Allah ha u naxatiistee Cabduqaadir Cabdullaahi Goosaar, oo ahaa wiil dhalinyaro ah islamarkaana dhawaan dhameestay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda, ayaa lagu dilay Muqdisho.

Marxuumka ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan oo damacsanaa in ay ka dhacaan Mooto nuuca Feykoonka ah, kuwaas uu ka diiday inuu ku wareejiyo furaha mootada, sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa goobtii lagu dilay oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.